waaf
(m.l) (-faf, m.l)

(c.nafl.) Xubin neefsasho oo ay isticmaalaan xayawaannada biyaha ku nooli, si ay uga soo qaataan ogsajiinta biyaha dhexdooda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waaf

waafaji [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
Laba arrimood oo kala duwan is haleeshiin. Tus. “Labadaas arrimood is waafaji.”

waafajin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waafaji.

waafaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.

waafaqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waafaq.

waafaqsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Wax, wax kale raacsan ahaansho.

waafaqsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waafaqsan. ld waafaqsanaansho.

waafaqsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld waafaqsanaan.

waafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
W. ah: cabbir, qiyaas miisaan iwm aan wax ka dhinayn ee weliba buro weheliso.

yeele [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg