waag
(m.l)

Socod badan oo wax lagu baadigoobayo.

waag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Socod badan samayn iyadoo wax la baadigoobayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waag

waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.

waabari [m.l]
Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. ld waabberi. waabberi, arooryo, oog

waabariisii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii. waabberiisii

waabariiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso. waabberiiso

maageer [m.l] (-rro, m.dh)
Deyr wareegsan oo dhagax iwm ka samaysan. ld meegaar¹, waageer¹, weegaar¹.

maageer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhagax iwm ku meel ood, meel ku wareejin. ld meegaar², weegar², waageer².

maageeran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay)
Ku m.: ood dhagax, iwm wax meel lagu wareejiyey ahaansho. ld maageersan, meegaaran, meegaarsan, waageeran,

maageerasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maageero. ld meegaarasho, waageerasho, weegaarasho.

maageerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maageer². ld meegaarid, waageerid, weegaarid.

maageero [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Meel ood dhagax iwm ku wareejisasho. ld meegaaro, waageero, weegaaro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg