waajibi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Waajib ka dhigid (wax).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waajibi

waajibid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waajib².

waajibin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waajibi.

dago [m.dh]
1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.

nidar [m.l]
1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Wankani waa n.”. ld nidir¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg