waali
(m.l) (-iyo, m.dh)

Nin madax ka ah qaybaha dal u qaybsamo midkood; naa'ib beeldaaji; barasaab.

waali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Ka w.: nafley meel si ba'an uga caajin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waali

maandhay [u.j]
Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.

maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.

tafiir [m.l] (-ro, m.dh)
Ilmaha ay dhalaan waalidku.

unug-waalid [m.l] (-gyo ..., m.dh)
(c.nafl.) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.

waalid [m.l] (-diin, m.dh)
Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid.

waalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waal.

waalwaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waalwaal.

waarid [m.l]
ld waalid¹.

waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.

waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.

waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.

waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg