waalo
(m.dh)Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem.
waalo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-aashay, -aalatay)1. Wax waalan noqosho. 2. Ka w.: meel cabsi awgeed uga cararid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waalo ↴
waalasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waalo².
waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga
sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa
yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee
dugsiga'.
waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
waa [m.l] (-aayo, m.l)
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli;
waqti; jeer; goor.
waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.