waaq
(m.l)Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. ld waq.
Jaaqla-waaqla*
Meel cidlo ah dad iyo xoolo toona ayna joogin oo gamaahiir ah,
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waaq ↴
eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne
waaqdhaacin [m.l]
Xoolo farabadan oo alla-bari ahaan loo qalo.
waaqla' [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.
waaqlayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waaqlee.
waaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.
waaqsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waaqso.
waaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ka w.: dhib ama waxyeello hore ka so kabasho.
Alle [m.l]
(dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
barwaaqasooran [m.l]
Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.