waax
(m.dh) (-xyo, m.dh)1. Wax afar meelood oo is le'eg loo qaybiyey meeshood; rubuc, rubi. Tus. “Hasha la qaley waax iga sii”. 2. Qaybaha waaweyn ee kala duwan ee hay'ad maamul u qaybsantahay middood.
Waax, Fallar, Leber, Yaaw, Yuuc*
Waax = 1/4 Fallar = 1/8 Leber = 1/16 Yaaw = 1/32 Yuuc = 1/64
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waax ↴
laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.
maagma [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.
waaxayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waaxee. ld waaxyayn.
waaxaysasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waaxayso.
waaxayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Wax afar meelood u kala qaybsasho. 2. Wax qaybo isla eg ka dhigasho. ld waaxyeyso.
waaxee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Wax afar meelood u qaybin. ld waaxyee.
waaxid [m.l]
1. W. ah: kali ah, aan cidi wehelin (Ilaah). 2. Mid ama kali.
waaxyayn [m.dh]
ld waaxayn.
waaxyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
ld waaxee.