waaya-arag
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iwm. ld waayo-arag.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waaya-arag

waaya-aragnimo [m.dh]
Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.

waayo-arag [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld waaya-arag.

abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.

abwaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.

bisayl [m.l]
1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.

bisil [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-slaa, -slayd)
1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iwm wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho.

caqliyayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. ld caqliso.

gadaalkagaar [m.l]
Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.

golajoog [m.l]
1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg