waayee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-yeeyay, -yeysay)

Ilmo si uu u seexdo ruxid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waayee

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

qaafo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.

waayeel [m.l] (-llo, m.dh)
Qof fil weyn ama wax garad ah.

waayeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
ld waayeelow.

waayeelid [m.dh]
ld waayeeloobid.

waayeelnimo [m.dh]
Waayeel ahaan.

waayeelow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Waayeel noqosho.

waayeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waayee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg