waayo-aragnimo
(m.dh)

Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waayo-aragnimo

xaajayaqaan [m.l]
Nin waxgaradnimo iyo waayo-aragnimo isku darsaday.

maahmaah [m.dh] (-ho, m.l)
Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. ld maahmaahyo.

waaya-aragnimo [m.dh]
Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. ld waayo-aragnimo.

ilbax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
I. ah: qof aqoon iyo waayo-aragnimo u leh nolosha magaalada.

ilbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Nolol magaalo aqoon iyo waayo-aragnimo u yeelasho.

kubkucirroole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qof dalal badan maray oo waayo-aragnimo leh.

mujarrab [m.l] (-byo/-biin, m.dh)
Qof tijaabooyin badan waayo-aragnimo ku kasbaday.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg