wado
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-atay, -adatay)

1. Xoolo, dad, gaadiid iwm kaxaysasho. 2. Hawl la qabanaayey sii fulin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wado

wadaal [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
1. W. ah: la socoshada neef labi neef dheddig oo orgeysan raaco ama ka hari waayo. 2. Xoolo tirsan oo gooni loo wado.

wadasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wado.

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

callaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Kiish yar oo caw ka samaysan oo hilibka, timirta iwm lagu rito. 2. In yar oo raashiin ah oo xayawaanka lagu dabo. 3. Deeq yar oo qof hawl qabtay la siiyo. 4. Alaab yar oo meel loo wado. 5. ld callaalid. ld calaal¹.

dareewal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Qof shaqadiisu tahay baabuur wadidda; shufeer, wade. 2. Qof yaqaan sida baabuurka lo wado. ld direewal.

dhiibaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hanti iib loo wado oo qofkii lahaa uusan la socon oo cid kale gadayso. 2. Dh. ah: rati dhaan ah oo ciddii lahayd aysan wadan.

gaarigacan [m.l] (-nno, m.dh)
Gaadiid dhuleed yar, matoor lahayn, gacanta lagu wado oo hal shaag leh. ld gaarigacmeed.

hoggaan [m.l] (-aamo, m.dh)
1. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado. 2. Maamul sare ee hay'ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah. 3. Qof howl-wadeen ah.

hoggaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax xeer, arrin iwm oggol ahaansho (qof). 2. Wax hoggaan lagu wado ahaansho (awr).

horkac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -kici)
1. Cid hoggaamin. 2. Xoolo hor socosho si loo wado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg