waji
(m.l)

ld weji.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waji

qaash [m.l]
1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.

fallaax [m.l] (-xyo, m.dh)
Qof waji iyo laab furan.

gafuurtaag [m.l]
1. Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda. 2. ld gafuurtaagid.

galaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof laga badiyey turub wajiga dambas, nuurad iwm ka marin.

jadeeco [m.dh]
(daaw.) Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan.

maraarnimo [m.dh]
(daaw.) Xaalad cudureed oo ka timaada ayadoo lagu dhasho shaqi yari qanjirdhiiqa taayroyd. Astaamaha ahaan: gaabni, caqli dhimanaan, muuqaalka wajiga oo gaar ah.

shiishad [m.dh]
Dhagax dubnadeed oo wajiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min lix dhibcood ku leh.

wajiin [m.l] (-nno, m.dh)
Caajiska qabowgu habeenkii jirka nafleyda geliyo.

wajiine [m.l]
Xilli roob oo u dhexeeya bilaha nofembar iyo jannaayo oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari. ld wejiine.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg