warceli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)U w.: cid u jawaabid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh warceli ↴
afceli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.
afnaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli.
jawaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wixii lays weyddiiyey ka warcelin. 2. Xoolo la shubaya hees u qaadid.
warcelin [m.f.dh]
eeg warceli.
warcelin [m.dh]
Lammaaneynta wax soo saarka iyo wax gelinta ee hawl soohyada jirku fulinayaan. Shaqada war celinta waxay muhim u tahay hagaajinta shaqaajin dabiici ah oo badan ee jirku sameeyo: hormooniska soo saariddooda, iyo falgallada ensaymisku ka hawl galaan.