waree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)

Cid ama wax danayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waree

faafin [m.dh]
Faafin rasmi ah: wareegto rasmi ah

jaahwareer [m.l]
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid. jaahwareerid

jaahwareer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer². jahawareer

jaahwareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri. jahawareeri

jaahwareerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid. jaahwareer, jahawareer, jahawareerid

jaahwareerin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahwareeri. ld jahawareerin. jaahwareeri, jahawareerin

jaahwareersan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax jaahwareeray ahaansho. ld jahawareersan. jahawareersan

jaahwareersanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahwareersan. ld jaahwareersanaansho jaha-wareersanaan. jaahwareersanaansho, jahawareersanaan

jaahwareersanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld jaahwareersanaan. jaahwareersanaan

gaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.

war [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax aan hore loo ogeyn oo laysu sheego. 2. Hadal.

war [m.dh] (-ro, m.l)
Meel weyn oo la qoday oo biyuhu fariistaan.

war [u.j]
ld waryaa.

war [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax qorrax iyo dabayl u dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg