woqooyi
(m.l)

Jihada koofur u tusmaysan ama ka soo hor jeedda. ld waqooyi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh woqooyi

jaah [m.l]
1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).

afar-jiho [m.dh]
(juqr.) Afarta geesood ee muhiimka ah ee kambaska: woqooyi, koonfuri, bari iyo galbeed.

bireeris [m.l]
(juqr.) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.

buq [m.dh] (-qo, m.l)
1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqr.) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).

cimilo-badhaale [m.dh]
(juqr.) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.

cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

dabayl-cirifeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.

dabeyl-kulul [m.dh] (-lo ..., m.l)
(juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.

dhidib-dhuleed [m.l] (-byo ..., m.dh)
(c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh.dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.

gibli [m.l]
(c.cimi.) Dabayl qallalan oo kulul, kana dhacda dalka Libiya ee Woqooyiga Afrika oo gaarta ilaa Yuru.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg