xaab
(m.l.w)

1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.

xaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaab

xaabayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaabee. xaabee

xaabee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -baysay)
Qoryo la shito ururin.

xaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.

xaabid [m.l]
ld xaabsasho. xaabsasho

xaabsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaabso. ld xaabsad, xaabsi. xaabsi, xaabsad, xaabso

xaabsi [m.l]
ld xaabsasho. xaabsasho

xaabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.

jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg