xaabi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaabi ↴
xaabid [m.l]
ld xaabsasho. xaabsasho
majaxaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld manjaxaabi.
majaxaabin [m.dh]
ld manjaxaabin.
majaxaabis [m.l]
ld manjaxaabin.
manjaxaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof taagan ama socda lugihiisa dhulka ka qaadid si uu u dhaco. 2. Xukun afgembin. ld majaxaabi, mijaxaabi, minjaxaabi.
manjaxaabin [m.f.dh]
eeg manjaxaabi. ld majaxaabin, majaxaabis, majaxaabo, manjaxaabis.
manjaxaabis [m.l]
ld manjaxaabin.
maxaabiis [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg maxbuus.
mijaxaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld manjaxaabi.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg