xaajo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Arrin; xaal; talo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaajo ↴

xaajaggal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: nin wax garad ah oo xaajo murugtay ka garnaqa.

gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

xaajoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
La x.: cid arrin kala doodid.

xaajood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg xaajoo.

xaajootamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaajootan².

xaajootan [m.l]
Arrin ka doodid.

xaajootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
La x.: cid arrin kala garramid.

xaal [m.l]
1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah.

arrin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-imo, m.l)
Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg