xaajoo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)

La x.: cid arrin kala doodid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaajoo ↴

xaajood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg xaajoo.

xaajootamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaajootan².

xaajootan [m.l]
Arrin ka doodid.

xaajootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
La x.: cid arrin kala garramid.

digniin kamadambeys ah [m.dh]
(siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.

gogol [m.dh] (-glo, m.l)
1. Wax kasta oo dhul la dhigto si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Shir yar oo dad is-rabaa arrin kaga xaajoodaa.

gogoldhigad [m.l]
1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. ld gogoldhigash.

wargur [m.l]
Hab raacatada soomaaliyeed ku dhaqanto kolka ay garramayso ama wada xaajoonaysa. Qof codkar ah ayaa hadba qofka hadlaya warkiisa qabta oo kor u qaada oo dadka wada maqalsiiya, isagoo qeexan oo quruxsan u sheegaya. ld wargurid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg