xaako
(m.dh)

Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaako

xaakoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xaako tufid.

xaakood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg xaakoo.

boronkiito [m.dh]
(daaw.) Halamacoodka dhuumaha neefta waxayna u kala baxdaa mid muddo gaaban (acute) iyo mid muddo dheer (chronic). Midda hore waxa lagu yaqaan: qufac xaako leh, isku roorid dhuumaha neefta; midda labaad waxaa lagu yaqaan: xab badan oo dhuumaha neefta ka xaruuma.

xiiqdheer [m.dh]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan “bordatella pertussis”. Kalhuu-riska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg