xaaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)

1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaaq

xaaqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaaq.

xaaqin [m.l] (-nno, m.dh)
Mafiiq, minfiiq.

xaaqsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaaqso.

xaaqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Xaako tufid.

xaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax xaaqid.

dhulfiiq [m.l] (-qyo, m.dh)
Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.

fiiq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
1. (f.g) Wax diir ka qaadid. 2. (f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid. 3. (f.g) Indho qalid. 4. (f.g) Meel xaaqid. 5. (f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid.

fiiqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
1. Wax dubka laga qaaday ahaansho. 2. Wax caarad dhuuban loo yeelay ahaansho. 3. Wax indhaha laga qalay ahaansho. 4. Wax qashin laga xaaqay ahaansho.

khashin [m.l]
Wax walba oo wasakh, haraa cunto, iwm ah ee la iska xaaqo lagana fogeeyo degaan lagu nool yahay. ld qashin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg