xaaraan
(m.dh)

Wax aan shareecadu banayn oo xalaal ka dhigin; booli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaaraan

faajir [m.l] (-riin/-rro, m.dh)
Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.

faajirad [m.dh]
Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.

haamanad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad. hamaanad

xaaraamayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaaraamee. ld xaaraan-timayn.

xaaraamee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
Wax xaaraan ka dhigid. ld xaaraantimee.

xaaraami [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: nin aan xaaraanta ka dhawrsan.

xaaraannimo [m.dh]
Xaaraan ahaansho. ld xaaraantinnimo.

xaaraanquute [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Qof hanti xaaraan ah cunay.

xaaraansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la xaaraameeyey ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg