xaas
(m.l) (-sas, m.l)

1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.

xaas
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

Nafley caato noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaas ↴

nacab [m.l]
1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.

xaanshi [m.dh]
ld xaashi.

xaasaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo tabardaran sabada ku reebid ama xannaanayn.

xaasaamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaasaan².

xaasaamin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaasaami.

xaasaan [m.l] (-ammo, m.dh)
Caato; weyd, macluul.

xaasaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Xoolo caatoobid; weydoobid.

xaasaanqabow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Nafley aan aad caato u ahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg