xabaalan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax la xabaalay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabaalan

xabaalnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabaalan. ld xabaal-naansho.

dabacase [m.l]
Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.

gufi [m.dh]
1. Jirrid xabaalan oo geed la jaray ka hartay. 2. Sabuul gallay oo mirihii laga finjilay.

moxoggo [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. (bot.) Geed la beero oo xididdo buruq waaweyn oo dhulka ku xabaalan, dad iyo duunyaba way cunaan, bur wanaagsanna waa laga sameeyaa. 2. ld moxog (2).

xabaal [m.l]
ld xabaalid.

xabaal [m.dh] (-lo, m.l)
Qabri.

xabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Wax aasid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg