xabaalid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg xabaal³. ld xabaal¹, xawaal¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabaalid

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

qaarxabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid.

qaarxabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaarxabaal².

xabaal [m.l]
ld xabaalid.

aas [m.l]
1. Xabaalidda meydka; ld aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.

aas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Wax dhulka ku xabaalid (dad dhintay); duugid.

asaruur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ceel, god iwm ciid ku xabaalid; aasid; duugid.

astur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.

duug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid.

xabaal [m.l]
ld xabaalid.

xabaal [m.dh] (-lo, m.l)
Qabri.

xabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Wax aasid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg