xabag
(m.dh)1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabag ↴
xabagbarshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
ld xabag-barsho.
xabagbarshi [m.dh]
ld xabagbarsho.
xabagbarsho [m.dh]
Malabka awlalka ku jira mid ka mid ah oo shinnidu si gaar ah u samayso; waa miid sida xabagta dhirta qaar-keed u cad oo aan gows iyo wax kale midna dheehin, oo boqoraddeedu cunto. ld xabag-barshe, xabagbarshi.
xabagdhiig [m.dh]
Nooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.
xabkayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.
anqaas [m.dh]
Hoore madow oo ka samaysan dhuxul, xabag, caano ama biyo isku riiqan oo ardada dugsiga quraanka wax ku qortaan. ld inqaas.
arah [m.l]
1. A. ah: tiro dad ah oo u safray in ay soo gurtaan miro, xabag, caws iwm. 2. ld arahid. ld arahid.
arah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rhay, -rahday; -rhi)
Dad in ay soo gurtaan qaraab miro, xabag, caws iwm u safrid; arahdoon. ld arahdoon².
arahdoono [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ntay, -natay)
Dad miro, xabag, caws, iwm. raadsasho.
xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.