xabbad
(m.dh)1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabbad ↴
jaaw [m.dh]
Digir la cambuuleeyey xabbadaha aan bislaan.
maadhiin [m.l] (-nno, m.dh)
Bunduq xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore la isticmaali jiray.
naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
xabbadayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabbadee.
xabbadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid.
xabbadqaad [m.l]
1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
afdabayl [m.l] (-lo, m.l)
Buntuq aan booba ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood qaada.
baaruud [m.dh] (-do, m.l)
Budo maaddo qaraxda ah, fuuqa xabbadda ku jira oo gumuca ridda.
bamban [m.l] (-nno, m.dh)
Nooc hubka ka mid ah oo leh lugo loo fidsho, xabbaduhuna ay darandoori uga dhacaan. ld babban.