xabbis
(m.l) (-syo, m.dh)

Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi.

xabbis
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

Qof xabsi gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabbis

xabbisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax xabsi la geliyey ahaansho.

xabbisid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabbis².

xabbisnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabbisan. ld xabbis-naansho.

xabbisnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld xabbisnaan.

xabsi [m.l]
ld xabbis¹.

huuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid.

huursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax meel kulul la geliyey ahaansho. 2. Wax xabbis la geliyey ahaansho (qof).

xiro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax xarig iwm ku qabsasho. 2. Cid xabbisasho. 3. Albaab, dariishad iwm qataarasho. 4. Haweeney mehersasho. 5. Dhar lebbisasho. 6. Salaad ama soon gelid. 7. Ku x.: qof kale imaam ka dhigasho. 8. Ku x.: markab, doon iwm marso tegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg