xagli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xagli

xaglin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xagli.

xaglis [m.l]
ld xaglisid.

xaglis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo).

xaglisid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaglis². ld xaglis¹.

saddex-xagal dhinacyo isle'eg [m.l]
(xis.) Saddex-xagal leh saddex dhinac oo isle'eg iyo xagal kasta oo ka mid ah xaglihiisuna cabbirkeedu dhanyahay 60°.

saddex-xagal isma le'eke [m.l]
(xis.) Saddex-xagalka dhammaan dhinacyadiisa iyo xaglihiisuba aan isle'ekeen.

xeerka sayn [m.l]
(xis.) Saddex-xagal kasta saamiga dhererka dhinaca marka loo eego saynka xagasha ka horjeedda dhinacaasi waa isku mid dhammaan saddexda dhinac. Sidaa daraadeed saddex-xagal dhinacyadiisu ay yihiin a, biyo c, xaglihiisuna ay yihiin A, B iyo C. Jidka waa a = b = c taas oo ay tahay dhinaca kahorjeeda xagasha A, b-tahay dhinaca kahorjeeda xagasha B iyo c-na tahay dhinaca ka horjeeda xagasha C.

xag [m.l]
Dhan; jaho; dhinac; gees.

xag [m.dh]
Candhada xoolaha horaad iyo danbeed isku dhinac ah.

xag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ciddiyaha, ilkaha iwm cid wax ku yeelid (xagasho). ld xago.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg