yaardi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Halbeeg dhererka lagu cabbiro oo habka ingiriiska ah oo u dhigma 0.914 mitir (Meter).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaardi

bilyaardi [m.l]
1. Ciyaar si habeysan iyo shuruuc gaar ah loogu ciyaaro ulo ama la'aan iyo kubbado adag, yaryar midabaysan oo faan maroodi ka samaysan oo miis gaar ahna lagu dul ciyaaro. 2. Miis afarta gees iyo dhexda lix god ku leh maro ku dahaarantahay oo ciyaarta b.ga lagu ciyaaro.

caqdad [m.dh] (-daad, m.l)
Duub maro ah oo afartan yaardi ah oo midab leh. ld caqdaad.

fuud [m.l]
(cabbir cagood) Cabbir wax lagu cabbiro oo u dhigma yaardi saddex meelood loo qaybiyey meeshiis.

guntiino [m.dh] (-ooyin, m.l)
Maro ay haweenku xirtaan oo 4 yaardi ama ka badan ah.

mitir [m.l] (-rro, m.dh)
Cabbir dhererka lagu qiyaaso oo boqol sentimitir ama 1.093 yaardi ka dhigan.

qeyd [m.l] (-dad, m.l)
Cad yar oo maro ah oo ilaa laba yaardi dhan oo sida badan ay carruurtu qaataan.

yaar [m.l]
ld jaar(2).

yaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg