yah
(Erey Dareen | Exclamation)

Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.

Xaaxiyahow*


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yah

gaabbaguul [m.l]
U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

gaabbaguul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid.

la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.

ma [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.

baad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.

kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.

maandhay [u.j]
Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.

maandhe [u.j]
Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.

maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.

olol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo.

y [m.dh]
(ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg