yahan
(m.l)

1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yahan

taariikhyahan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof taariikhda si fiican u yaqaan.

xaaraanyahan [m.l]
Nin ku xeel dheer xaaraan cunidda.

aqoonyahan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof aqoontiisa cilmiyeed sarraysa.

aqoonyahannimo [m.dh]
Aqoonyahan ahaansho.

buuriyahan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.

cagaaryahan [m.l] (-nno, m.l)
Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.

cayaaryahan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof nooc ciyaaraha ka mid ah ku wanaagasan. ld ciyaaryahan.

ciyaaryahan [m.l]
ld cayaaryahan.

dadyahan [m.l] (-nno, m.dh)
Nafley dadka qalata oo hilibkiisa cunta.

yah [Erey Dareen | Exclamation]
Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg