yarad
(m.l)Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yarad ↴
boojimo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Gabar xoog lagula baxay oo aan yarad laga bixin.
dhuumato [m.dh]
Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal; hulkujir.
dibaaxis [m.dh]
(c.nafl.) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la'ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. ld dubaaxis².
gabbaati [m.l]
Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursanayo oo yaradka ka horreeya.
hulkujir [m.dh] (-rro, m.l)
Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal. ld dhuumato, hulkujire.
qanjidh-marinleh [m.l]
(c.nafl.) Qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.
yar [m.l] (-ryar, m.l)
Wiil da' yar.
yar [m.dh] (-ryar, m.l)
Gabar da'yar.
yar [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd; yaryar)
1. Wax da'diisu yartahay ahaansho. 2. Wax tiradoo-da ama cabbirkoodu uusan badnayn ahaan-sho.