yarayn
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg yaree. ld yarays, yaraysiin.

yarayn
(m.dh)

(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yarayn

gaalli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.

taagdarree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -reysay)
Tabar yarayn (cid).

yarays [m.l]
ld yarayn¹.

yaraysiin [m.dh]
ld yarayn¹.

yaryarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yaryaree.

badan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho.

cirifayn [m.dh]
1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.

dhallinyarayn [m.dh]
(juqr.) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg