yaw
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaw

ooryawalaal [m.l] (-llo, m.dh)
Laba nin oo labo haween oo walaalo ah kala qaba, waxa ay isu yihiin. ld ooryowalaal.

ooryawalaaloobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ooryawalaalow. ld ooryowalaaloobid.

ooryawalaalow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Laba nin ooryawalaal noqosho. ld ooryowalaalow.

yawyab [m.l]
1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur.

yawyab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn.

yawyabid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yawyab².

cilmiga filiqsanaanta xayawaanka [m.l]
(c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.

istaarj xayawaan [m.l]
Glaykojiin.

xayawaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Naflay. 2. Sankuneefle. 3. Duunyo; xoolo. ld xawayaan.

y [m.dh]
(ya') Xarafka saddex iyo labaatanaad ee alifba'da af soomaaliga waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg