yaxaas
(m.l)

(c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yaxaas

abeesalugaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.

baxaar [m.l] (-rro, m.dh)
Nin saaxir ah oo ku nool hilada webiyada oo loo aqoonsanyahay in uu xukumo yaxaasyada.

cayaaryaxaas [m.dh]
Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. ld ciyaaryaxaas.

ciyaaryaxaas [m.dh]
ld cayaaryaxaas.

gaanni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Yaxaas lab oo dilaa ah. 2. Ugaarta nooceeda waaweyn; ishin.

golgoley [m.dh]
Ciyaar baxaarradu yaxaaska ku maaweeliyaan.

jaxaas [m.l]
(baay.) Xuub ku daboolan sooh ama xubin. Tusaale: kelyaha, qanjir kelyoodyada, indhaha birtooda waxa ku daboolan j. ld yaxaas.

masacagaley [m.dh]
(c.nafl.) Masalugaley xammaarato weyn caws ku nool ah, oo socodka yaxaaska uga eg, oo leh maqaar adag, iyo afar addin oo aan nafleyda qaniin, sunna lahayn. ld mansacagaley, mansalugaley, mansalugooley.

maxmil [m.l] (-llo/-xaamil, m.dh)
1. Rixli. 2. Bir qaroofan oo yaxaasbadeedka lagu dabo. 3. Maro xariir-madow ah oo tal iyo quraan lagu qurxiyey oo kabcada lagu dado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg