yuur
(m.dh)

Duubidda qof sarta wejiga duubo marka uu wax diiddanyahay

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh yuur

kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

yaanyuur [m.dh] (-ro, m.l)
basho; bisad; dinnad; dummad; mukulaal; mukulaal, dummad

yoxoob [m.l]
1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo. 2. Lo'da iwm kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa. 3. Fadhi yuurur ah. 4. ld yoxoobid.

yuuriya [m.dh]
(kiim.) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.

yuurur [m.l]
1. Fadhi; yoxoob; kuudud. 2. ld yuururid.

yuurur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.

yuururid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yuurur². ld yuurur¹ (2).

asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.

bayuur [m.dh]
Ceeb aad u weyn; jiciir.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg