Ku Badal Luuqad Kale!


Kusoo dhawoow Qaamuuska Afsoomaliga. Fikrada shabakaddan (qaamuus.net) waa in la helo qaamuus ereyada af soomaaliga ku macneeya Afsoomaali. Fikradaan waxaa igu dhaliyay markaan dareemay in baahi loo qaabo qaamuus afsoomali ah oo af Soomaali wax ku fasiraya. Internet-ka waxaa ku jira qaamuusyo badan oo afsoomali ku fasiraya afaf kale ama afaf kale soomali u badalaya. Waxaa kaloo jira qaamuusyo somali-somali ah lakin qaab file ah sida PDF. Aad bay u adagtahay isticmaalkooda kuwaas. Waxaan rajeynayaa in qaamuuskaan uu dabooli doono baahidaas jirta waliba uu qayb ka qaadan doono kor u qaadida, horumarinta iyo isticmaalka Afkeena Hooyo! Hadaba maadaama hirgalinta barnaamijkaan uu u baahanyahay waqti iyo maalba, waxaan codsanayaa in dadka Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan ka qayb qaataan suuragelinta fikradaan. Hoos ka eeg qaabka aad ooga qeyb qaadan karto dhismaha qaamuuskan iyo qaabka uu u sameesanyahay.

Sidee ayaad uga qeyb qaadan kartaa dhismaha qaamuuskan?

  1. Waad is diiwaan gelin kartaa si aad uga qeyb qaadato erey gelinta iyo sixitaan wixii qalad ah. Booqo bogga diiwaan gelinta (riix halkan).
  2. Waxaad kaloo kaga qeyb qaadan kartaa tabarucaad dhaqaale




  3. Wixi su’aal ah fadlan halkan igala soo xiriir.


    1  Habka uu u samaysanyahay qaamuusku

    Waxaa halkaan ku soo bandhigaynaa warbixinno fududeynaya la
    tashiga ama adeegsiga Qaamuuska.
    Erey kasta ee ka mid ah qaamuuskan oo la fasiray wuxuu leeyahay arrimaha
    ama qaybaha soo socda oo la xariira sharraxaadda ereyga:
    a) Ereyga = Ereyga soomaaliyeed ee la fasirayo
    b) Qaabnax = Qaybta naxweed ee uu ereygaasi ka tirsanyahay
    c) Isrogrogga = Tilmaan muujinayso rogrogmadka eryga marka uu yahay fal ama magac.
    d) Micnaha = Qeexidda micnaha ereyga
    e) Lamidka = Erey la mid ah ama la micna ah ereyga la fasirayo6
    Si loo muujiyo sida ay isugu xigaan waxyaabaha loo adeegsaday sharraxaadda
    eryga waxaa tusaale ahaan u soo qaadanaynaa ereyga falki oo raacsan afar
    qaybood oo la xiriira fasiraaddiisa:

    Ereyga Qaabnax Isrogrogga Micnaha Lamidka
    falki f.g2 (-iyay, -isay) falko samayn; falag2

    Ereyada la isku gaabiyay ee “Qaabnax” fasiraadooda halkan ka eeg

    Qaybahan warkooda oo faahfaahsan waxaa ku cad qodobbada soo socda,
    xagga dambe ee qaamuuskana waxaa ku lifaaqan “Naxwaha af-soomaaliga oo
    kooban” oo loogu talaggaly in uu sii faahfaahiyo wixii war ah ee aan halkan ku
    caddayn.


    6 Ereyga la midka ah erey kale (varient) isna gooni ayaa loo qoray, laakiin halka lagu qori lahaa
    qeexidda micnihiisa waxaa ku qoran oo keliyah ereyga la micnaha ah, kaasoo loola jeedo
    “ereygan micnihiisa ka eeg midkan kale e la midka ah (ld)”.

    1.1  Ereyada qaamuuska iyo nidaamka loo taxay

    Isku xigga xarfaha ku billaabma ereyada la micneeynaayo waxaan u
    doorannay habka uu Yaasiin Cusmaan Keenadiid u adeegsaday qaamuuskiisa,
    yacnii habka iskuxigga alifba’da Laatiinka, sababaha aan u doorannayna labo
    arrimood ayaa ugu muhimsan:
    a) Maadaama ummadaha badan ee fartoodu tahay midda Laatiinka ay
    qaamuusyadooda si isku mid ah u adeegsadeen habka isku xigga alifba’da,
    waxaan doorbidnay in qaamuuska af-soomaaliguna uusan ka duwanaan
    habkaas caalamiga ah.
    b) Maadaama shaqallada af-soomaaligu ay leeyihii xarfo u gaar ah sida
    shibbanayaasha waxaa nala habboonaatay inaan laga soocin shibanayaasha,
    yacnii in meel gooni ah lagu taxo ereyada ku bilaabma shaqallada waa laga
    fiicanyahay, gaar ahaan marka qaamuus la samaynaayo.

    Waa kan habka isku xigga alifba’da ee qaamuuskan:
    A, b, c, d, e, f, g, h, i, j, k, l, m, n, o, q, r, s, t, u, w, x, y.

    Xarfaha dh, kh, sh ereyadooda gooni uma qorna, waxay ku kala jiraan halka ay
    kaga aaddanyihiin taxanaha xarfaha d-, k-, s-, habkaanna afafka kale ayay la
    wadaagaan, sida “sh-”-da af ingiriisga oo laga dhex helo halka ay kaga
    aadantahay ereyada ka bilaabma xarafka “s-”.
    Ereyada qaamuuskan waxaa loo adeegsaday far-soomaaliga rasmiga ah oo aan
    wax laga beddelin, laakiin mararka qaarkood ayaan u baahannay in aan ku
    kordhinno calaamo yar si aan u kala saarno ereyada qaabkooda qoraalku isku
    midka yahay micnahooduse ay kala duwanyihiin, waxaana lagu kala saari
    karaa oo keliya shaqalka ay wadaagaan oo laba siyood loogu dhawaaqo. Sida
    aad ku arki doontaan qaybta dambe ee qaamuuska “Naxwaha af-soomaaliga
    oo kooban”, shaqal walba labo siyood oo kala duwan ayaa loogu dhawaaqaa:
    mar waa culusyahay, marna waa fududyahay, sida labadan erey:

    duul2 f.mg1 (-uulay, -uushay) Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid
    duul2 f.mg1 (-uulay, -uushay) 1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda
    marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid

    Ereyga hore wuxuu leeyahay shaqal culus, sidaa darteed shaqalka “uu”
    hoostiisa waxaa ku astaysan calaamad yar. Ujeeddadu ma aha in aan wax ku
    kordhinayno alifba’da soomaaliyeed, laakiin waa si loo fududeeyo kala
    garashada labada erey ee noocaan oo kale ah oo aanay ku dhex jirin weero laga
    dheehan karo micnahooda.

    1.2  Ereyada qaabkoodu isku midka yahay

    Laba erey ama in kabadan oo qaab ahaan isku si loo qoro laakiin ay ka
    kala duwanyihiin naxwa ahaan iyo micna ahaanba waxaa la kala siiyaa
    lambaro isku xiga: magacyada ayaa la hormariyaa, falalka ayaa lagu xijiyaa,
    kaddibna qaybaha kale ee ereyada, magacyadana kuwa labka ayaa laga
    hormariyaa kuwa dheddigga.Tus.

    beer1 m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah
    midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida,
    dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha jilicsan,
    qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.

    beer2 m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iwm lagu abuuri karo.

    beer3 f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku
    abuurid (qof).

    2  Sifaynta erey naxweydyada kala duwan

    Halkan waxaan ku xusaynaa oo keliya magacyada erey naxweydyada
    ugu muhimsan, laakiin qaybta “Naxwaha af-soomaaliga oo kooban” ayaan si
    faahfaahsan oo tusalooyin leh ugu qaadaadhignay. In kastoo magacyada
    ereyada naxweed oo dhan iyo qaabkooda la soo gaabiyay ay ku xusanyihiin
    meel gaar ah, waa kuwan qaarkood: magac (magac lab, magac dheddig), fal
    (fal-gudbe, fal-magudbe, fal-labagudbe), magacuyaal, magac faleed, magac
    khabareed, tilmaame, qurub (diiradeeye, xiriiriye, horyaale iwm).
    Waxaa halkan laga dareemayaa in sifadu ay ka maqantahay taxanaha
    magacyada erey naxweedyada kor ku xusan. Sida aqoonyahanka Adrzejewski
    uu ku taliyay, waxaanu ka dhignay ereyada sida: weyn, yar iwm koox faleed
    gaar ah oo ka baxsan kuwa caadiga ah, waxaanna ku magacaabnay kooxda
    isrogrogga IV ama fal-sifo. Arrintaanna bib baan uga faalloon doonnaa.

    2.1  Falalka

    Ereyada falka looma qorin qaabka ay soomaalidu caada ahaan u
    adeegsato sida cunid, karin, barasho iwm, laakiin qaabka fal amarka ayuu u
    muuqdaa sida cun, kari, baro, qaabkaasoo ah salka falka, ahna qaybta asalka
    ah oo lagu kabo lifaaqyada muujinaya amminka (tense), xaaladda (mood)
    iwm. Qaabkani waa nidaamka ay aad u adeegsadaan cilmi-afeedyahannada ku
    xeeldheer baarista af-soomaaliga iyo xitaa kuwa baara afafka kale ee
    Kushitigga. Ereyga falka agtiisa, fasiraadda micnaha ka hore, waxaa laba bil
    dhexdooda ku qoran falkaas lifaaqiisa qofka 3d ee kelida ee lab iyo dheddig
    *ah, amminkiisuna yahay qaab tagto habkeeda ebyoon. Tus.

    cun f.g1(-ay, -tay) 1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3.
    Cayayaan, nafle dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad,
    haad kale oo ka adag ku qaadasho.
    Qaabka fal-saleedka waxaa loo adeegsaday xataa falal aan caadi ahaan loo
    adeegsanin fal amar ahaan, habkan xitaa afaf kale ayaa loo adeegsaday falal
    aan lahayn qaab amar, sida falalka soomaaliyeed: aqoo, yaal, weynow iwm.
    Falalku, guud ahaan, laba kooxood ayay u kalal baxaan: fal-gudbe (f.g) iyo fal-
    magudbe (f.mg), hase ahaatee waxaa jira falal loo adeegsan karo labada
    qaabba, yacnii fal-gudbe ahaan iyo fal-magudbe ahaanba (f.g/mg). Falkaas oo
    kale inta laba jeer la qori lahaa mar uun baa la qoray, labada siyood ee loo
    adeegsadana sharraxaadda micnaha ayay ka dhex muuqdaan. Tus.

    Ku-Saabsan (f.g/mg3) 1. (f.g) Aqoon kororsasho. 2.(f.mg) U b.: wax caado ka
    yeelasho. Tus. “Cali in uu subax walba canjeero cuno ayuu u bartay”.

    Waxaa jira fal uu isku hayn karo horyaale (preposition) la’aan saddex magac,
    yacnii yeele iyo laba magac kale aan yeele ahayn. Tusaale ahaan, haddaan u
    fiirsanno weertan “Cali ayaa guriga tusay Axmed” waxaan arkaynaa in falka
    tus uu isku hayo yeelaha (Cali) iyo labada layeele (guriga iyo Axmed) isagoon
    u baahnayn horyaale. Falka caynkan oo kale ah waxaa lagu magacaabaa fal-
    labagudbe (f.lg). Tus.:

    tus2 (f.lg1) 1. Cid wax farta ugu fiiqid. 2. Is t.: laba qof isu keenid.

    Guud ahaan waxaa jira afar siyood oo falalaka soomaaliyeed ay isu
    rogrogaan. Si hogatus ah ayaan halkan ugu soo bandhigaynaa sida afarta qaab
    isrogrog (conugasion) ee fal-saleedyadu ay uga dhex muuqdaan ereyada
    qaamuuska. Afartaa hab isrogrog sharraxaaddooda oo koobani waxay ku
    xusanyihiin qaybta “Naxwaha af-soomaaliga oo kooban” oo ku qoran xagga
    dambe ee qaamuuska, waxaa kaloo halkaas lifaaq ahaan ugu qoran dhowr
    shaxan iyo tusaalooyin oo faahfaahinaya afarta hab ee isrogrogga falka oo
    kaamil ah.