Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
ajee  (ajeeyay, ajaysay) Biyo ajo ka dhigid.
ajeendo  1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iwm.
ajeyn  eeg ajee.
aji  (aji, m.dh) 1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
ajiib1  1. Aqbal. 2. ld ajiibid. ajiib2  Cid wax ay rabto ka aqbalid. ajiibid  eeg ajiib². ld ajiib¹ (2).
ajir  ld ajar¹ (1).
ajirsad  ld ajarsasho.
ajirsasho  ld ajarsasho.
ajirso  ld ajarso.
ajli  1. Sabab; daraad. 2. A.gay, a.gaa, iwm: daraadday, daraaddaa.
ajnebi  Nin aan u dhalan dalka uu joogo; shisheeye.
ajnebiyad  Dumar aan u dhalan dalka ay joogto.
ajo  Biyo meel ku raagay oo midabkoodii, dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddelay.
ajoo  Ka a.: qof, wax sharaftiisa wax u dhimi karo ka fogaan.
ajood  eeg ajoo.
ajri  ld ajar¹ (1).
ajuuro  ld ijaar¹.
akademiye  1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. ld akademiyo.
akademiyo  ld akademiye.
akeekamid  eeg akeekan². ld akeekan¹ (2).
akeekan1  1. Muran hagag ku jiro; cilaaq. 2. ld akeekamid. akeekan2  Muran hagag ku jiro samayn. akhas  Erey la yiraahdo markii la arko ama la maqlo wax xun. ld aqas.
akhdar  Cagaar. ld akhtar.
akhir  Waqti la rabay dib uga dhicid.
akhiran1  Wax waqti la rabay dib uga dhacay noqosho. akhiran2  Wax waqti la rabay dib uga dhacay ahaansho. akhiri  Wax waqtigiisa dib u dhigid.
page : 35 of 75
<< < 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 > >>