Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
haraati1  Nooc ka mid ah warmaha waaweyn. haraati2  Si xoog leh oo cagta wax loogu dhufto. ld harraati¹. haraati3  Si xoog leh cagta wax ugu dhufasho. ld harraati². haraatiggeelle  Kobajaa.
haraatin  ld haraatiyid.
haraatiyid  haraati³. ld haraatin, harraatin, harraatiyid.
harac  Hoos weyn oo qabow oo ay geedaha waaweyni yeeshaan.
harag  Maqaar nafleyda oogada kore uga rogan.
haragmaqaar  Harag si gaar ah loo tolay oo nafleyda irmaan oo ay ilmuhu ka dhinteen lagu godliyo; gandool.
haragwaxar  Maqaarka waxaraha oo inta la qalajiyey laysku tolay, oo gogol ahaan loo isticmaalo.
haram  (xis.) Muuqaal adke ah.
haramayn  eeg haramee.
haramcad  Naasley duur joog ah, hilib ku nool ah, oo laga helo Afrika, una eg shabeel, laakiin ka jurmi weyn. ld haramcas.
haramcas  ld haramcad.
harame  Caws iyo nagaar iskood uga baxa beeraha. ld harammo.
haramee  1. Beer caws xun ka gurid. 2. Wax nijaasayn.
harammo  Caws yaryar oo beeraha ka baxa oo dalagga guba haddii aan laga falin. ld harame.
haran  Wax nijaaso leh.
harar1  ld harrar¹. harar2  ld harrar². harari  Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
harati  ld hardi².
haratin  ld hardiyid.
harayn  ld harin.
haraysan  Meel hoos leh ahaansho.
haraysnaan  eeg haraysan. ld haraysnaansho.
haraysnaansho  ld haraysnaan.
harbi  Wax biyo ku dhex jira horay u riixid.
harbin  eeg harbi. ld harbis.
harbis  ld harbin.
page : 36 of 93
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>