Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
alaladin  eeg alaladi. ld alaladsii.
alaladsii  ld alaladi.
alaladsiin  ld alaladin.
alalaxi  Nafley yar oo biyaha ku nool, bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga noolihiisa korisa.
alalid  eeg alal.
alamsasho  eeg alamso. ld alamsi.
alamsi  ld alamsasho.
alamso  Si degdeg ah wax u liqid.
alan1  (almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka qasabka middood. alan2  (almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin. alawaad  Meel wax lagu karsado; jiko.
albaab1  Bir, loox iwm oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo. albaab2  1. Irrid, albaab u yeelid. 2. Albaab furan xirid. albaaban  Wax la albaabay noqosho (irrid).
albaabid  eeg albaab².
albaabjooge  Qof guri weyn, xafiis iwm ilaaliya oo iridda laga soo galo jooga.
albaabnaan  eeg albaaban. ld albaabnaansho.
albaabnaansho  ld albaabnaan.
alcood  Noocyada shiraaca doonyada kan ugu weyn.
aldhihaydh  (kiim.) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.
aleeggad1  Luuq macaanoo haweenku hees hawleedka ku qaadaan. aleeggad2  Hees hawleed luuq macaan ku qaadid (haween). aleeggadid  eeg aleegad².
aleel  Bocol yaryar oo xeebaha badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo; laji.
aleelaale  Nooc dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo dabada midabbo kala duwan ku leh, waabaayo halis ahna leh.
aleelatuur1  Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan. aleelatuur2  Aleel ku faalin (haween). aleelatuurid  eeg aleelatuur².
aleelayn  eeg aleelee.
aleelaysan  Wax aleel loo yeelay ahaansho.
page : 38 of 75
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>