Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
alma-almee  Alma-almay ciyaarid.
almaas  Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. ld dheeman.
almadar  Arday waxbarashada dugsiga hoose ku jirta.
almi  Kuul, silis iwm qoor ku xirid (qof).
almin  eeg almi.
aloog  1. Rabsho, dagaal iwm abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.
aloogan1  Wax la aloogay noqosho (rabsho, dagaal iwm). aloogan2  Wax la aloogay ahaansho (rabsho, dagaal iwm). aloogid  eeg aloog.
aloogmid  eeg aloogan¹.
aloognaan  eeg aloogan². ld aloognaansho.
aloognaansho  ld aloognaan.
aloogsasho  eeg aloogso.
aloogso  Si didmo iyo degganaan la'aan leh u kicid (nafley).
alool  Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
aloos  Rabsho, dagaal iwm abuurid.
aloosan1  Wax la aloosay noqosho (rabsho, dagaal iwm). aloosan2  Wax la aloosay ahaansho (rabsho, dagaal iwm). aloosid  eeg aloos.
aloosmid  eeg aloosan¹.
aloosnaan  eeg aloosan². ld aloosnaansho.
aloosnaansho  ld aloosnaan.
alotarobi  (kiim.) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.
alwaax  Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.
alwasho  eeg alwo.
alwo  Kuleyl badan dareemid (qof).
alxaman1  Wax alxan ku kaabmay noqosho. ld alxanan¹. alxaman2  Wax la alxamay ahaansho. ld alxanan². alxamdulillaysad  ld alxamdulillaysasho.
alxamdulillaysasho  eeg alxamdulillayso. ld alxamdulillaysad, alxamdulillaysi.
page : 41 of 75
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>