amaamudan Wax la amaamuday ahaansho (hanti, aqal iwm); unkaman; alkuman.
amaamude Qof amaamud sameeya; abuure, uume (Ilaah).
amaamudid eeg amaamud². ld amaamud¹ (3).
amaamudnaan eeg amaamudan. ld amaamudnaansho.
amaamudnaansho ld amaamudnaan.
amad Dalagga ka soo go'a beeraha; fasal.
amag 1. A. ah: qof indhaha la'oo aan waxba arkeyn. 2. ld hamag.
amakaag1 1. Yaab weyn; ashqaraar. 2. amakaagid. amakaag2 Si aad ah u yaabid. ld amankaag². amakaagid eeg amakaag². ld amakaag¹ (2), amankaag¹, amankaagid.
amakaagsan Wax amankaag hayo ahaansho. ld amankaagsan.
amakaagsanaan ld amakaagsanaansho, amankaagsanaan, amankaagsanaansh
amakaagsanaansho ld amakaagsanaan.
amankaag1 ld amakaagid. amankaag2 ld amakaag². amankaagid ld amakaagid.
amankaagsan ld amakaagsan.
amankaagsanaan ld amakagsanaan.
amankaagsanaansho ld amakaagsanaan.
amar1 1. Erey ama weer cid lagu farayo inay hawl fuliso. 2. Dhibaato weyn. 3. Kibir iyo qab weyni wadajira. 4. A. Alle: maqaadir Alle. amar2 Qof hawl inuu fuliyo farid. amarbixin Amar farid; idmid; amarsiin.
amardiiddo U hogaansanaan la'aanta amar la is faray. ld amardiidmo.
amardiidmo ld amardiiddo.
amarkutaaglayn eeg amarkutaagle.
amarkutaagle Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. ld amarkutaagleeye.
amarkutaaglee Amarkutaagle samayn.
amarkutaagleeye ld amarkutaagle.
amarti Isla weyni iyo kibir wadajira.
amarweynaan Kibir iyo isla weeyni badan. ld amarweyni.
page : 43 of 75
<< < 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 > >>