jirrab1 1. Dhibaato badan. 2. J. ah: meel maritaankeedu dhib yahay. 3. J. ah: qof dhiblow ah. 4. Tijaabo. 5. ld jirrabid. jirrab2 1. Cid dhibaato gaarsiin. 2. Ku j.: cid wax ku qasbid. 3. Wax tijaabin. jirrabaad Dhibaato weyn.
jirraban1 Wax jirrab la mariyey noqosho. jirraban2 Wax jirrab la mariyey ahaansho. jirrabid eeg jirrab². ld jirrab¹ (5).
jirrabmid eeg jirraban¹. ld shirrab-mid.
jirrabnaan eeg jirraban². ld jirrab-naansho.
jirrabnaansho ld jirrabnaan.
jirran Nafley wax jirro hayso ahaansho.
jirranaan eeg jirran. ld jirranaansho.
jirranaansho ld jirranaan.
jirrasho eeg jirro².
jirri ld jarri.
jirrid Qaybta hore ee geedka ee xididdada ka sarraysa; sal; gun.
jirrid-maskaxeed (daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
jirriin ld jirniin.
jirriinsii Wax abuurid.
jirriinsiin eeg jirriinsii.
jirriq ld jiririq.
jirriqaa (c.nafl.) Cayayaan kabajaaga la bah ah oo afar lugood iyo baalal adag leh, dooggana cuna; warriiq.
jirriqjirriqlee Ilko isku lisid; jiririq samayn.
jirriqjirriqleyn eeg jirriqjirriqlee.
jirriqsad ld jirriqsasho.
jirriqsasho eeg jirriqso. ld jirriqsad, jirriqsi.
jirriqsi ld jirriqsasho.
jirriqso Ilko isku xoqid.
jirro1 Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun. jirro2 Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho. jirro-dhimireed (daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
page : 44 of 53
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>