amiino (kiim.) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH), oo ku dheggan kaarboonka alfa.
amiino asiidh (baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH), iyo amino (-NH2), oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
amiir 1. Waxaruhu marka ay ka go'aan naaska hooyadood oo ay gooni u daaqaan; aaran. 2. ld ammiir.
amiirnimo ld ammiirnimo.
amley ld abley.
amma ld ama.
ammaa Mindhaa.
ammaag Ciid ku aasid (god, dab iwm). ld amaag.
ammaagan1 Wax la ammaagay noqosho (god, dab iwm). ld amaagan¹. ammaagan2 Wax la ammaagay ahaansho. ld amaagan². ammaagid eeg ammaag². ld amaagid.
ammaagnaan eeg ammaagan². ld amaagnaan, amaagnaansho, ammaagnaansho.
ammaagnaansho ld ammaagnaan.
ammaan1 1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno. ammaan2 Wax wanaagsan oo cid laga sheego. 2. Xoolo hadiyad ahaan loo siiyo madaxda ama boqorrada. ammaan3 Wax wanaagsan cid ka sheegid. ammaana-allah Nabadgelyo.
ammaanan Wax la ammaanay ahaansho.
ammaanayn eeg ammaanee.
ammaanaysan Wax la ammaanaystay ahaansho.
ammaanaysasho eeg ammaanayso.
ammaanaysii Qof ammaano u dhiibid.
ammaanaysnaan eeg aammaanaysan. ld ammannaysnaansho.
ammaanaysnaansho ld ammaanaysnaan.
ammaanayso 1. Ka a.: wax ammaano ahaan cid uga qaadasho. 2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
ammaanduul ld abbaanduul.
ammaanduule ld abbaanduule.
ammaanee Qof ama shay ammaan siin; nabadgelyo siin.
ammaangeli Wax nabadgelyo siin.
ammaangelin eeg ammaangeli.
page : 45 of 75
<< < 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 > >>