ammaanid eeg ammaan³.
ammaannaan eeg ammaanan. ld ammaannaansho.
ammaannaansho ld ammaannaan.
ammaano 1. Wax cid loo dhiibto si ay u xafiddo. 2. Kalsooni cid lagu qabo; aamminaad.
ammaansasho eeg ammaanso. ld ammaansi.
ammaansi ld ammaansasho.
ammaanso Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
ammiir Taliye; madax qoon; suldaan. ld amiir² (2).
ammiirnimo Ammiir ahaansho. ld amiirnimo.
ammin1 Goor; waqti. ld immin. ammin2 (nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta. amminka Hadda; eegga. ld imminka.
amminla' 1. Xilliga xagaaga dabadiisa. 2. Roobka ugu horreeya dayrta.
ammooniya (kiim.) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira, 36.9% oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milan-biyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.
ammuur1 Nooc xamaaratada ka mid ah oo muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni ah. ld amuur. ammuur2 1. Arrin; mushkilo. 2. Allabari. ld ummuur. ammuurayn eeg ammuuree.
ammuuraysan Wax mushkilo hayso ahaansho.
ammuuraysnaan ld ammuraysnaansho.
ammuuraysnaansho ld ammuuraysnaan.
ammuuree Wax mushkilo hayso ahaansho.
amnac A. ah: waqti aad u kulul oo baadka iyo biyuhuba yaryihiin; abaar xun.
amni Nabad, nabadgelyo.
amran 1. Wax amar la siiyay ahaansho (cid). 2. La khaliifay ahaansho (qof).
amranaan eeg amran. ld amranaansho.
amranaansho ld amranaan.
amrid eeg amar².
amuur ld ammuur¹.
an ld aan². ana qr. Hadday u yaraato; haddaan wax kale jirin; agow; xataa. Tus. “Ana ii ahaateenaa!”; “Ana roob di'i lahaayaa!” ld anaa².
ana ld anaa.
page : 46 of 75
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>