jowrfal2 ld jawrfal². jowrfaleen ld jawrfaleen.
jowrfalid ld jawrfalid.
jowrid ld jawrid.
jows ld jaws.
joxoof Oday da'weyn oo xooggan.
joxor ld johor².
ju'i ld tu'i.
ju'in ld tu'in.
jubbad Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaa-dheer iyo jeebab leh; koor; koodh.
juc Faro jimcid.
jucasho eeg juco.
juci Faro iwm juc ka siin.
jucid eeg juc.
jucin eeg juci. ld jucis.
jucis ld jucin.
juco Faro jimicsasho.
judbid eeg judub².
Judhiiba Markiiba.
judub1 Gacanta oo faruhu duubanyihiin oo inta kor loo qaado si xoog leh wax loogu dhufto; tantoonyo. judub2 Faraha gacanta oo duuban si xoog leh wax ugu dhufasho. jufee 1. Meel daloosha wax ku gufayn. 2. Samayo waran jufo gelin. ld jifee.
jufeyn eeg jufee. ld jifeyn.
jufis Beer masaar caws kaga falid.
jufo 1. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka. 2. Bir goobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo.
jug 1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).
jugee 1. ld jukee. 2. Turub iyadoo la muujinayo in haad fas badan laga haayo bad ku dhufasho.
jugeyn eeg jugee. ld jugeys, jukeyn, jukeys.
jugeys ld jugeyn.
jugeysad ld jugeysasho.
page : 49 of 53
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 >