Ereyga Maanta: liifmid
hoolnaan  eeg hoolan². ld hoolnaan-sho.
hoolnaansho  ld hoolnaan.
hoomaa  Meel sare hoos wax uga eegid.
hoomaayid  eeg hoomaa.
hoombaro  Naasley badda ku nool, leh af dheer oo u eg kan shimbiraha, kor ka madow hoosna ka cad, la aaminsanyahay inuu leeyahay garaad fiican oo la tababbari karo. ld hobbabboro.
hoomiyostaasis  (daaw.) Sugidda xaaladaha joogtada ah ee gudaha noolaha, taas oo u oggolaanaysa unugyada inay si wanaagsan u shaqeeyaan, iyaga oo anay saamaynin isbeddel kasta oo ka dhaca degaanka dibadda ee noolaha.
hoomo  1. Xoolo intooda tabarta daran ee aan sabadka dhaafin. 2. Dad cayr ah oo aan tabar lahayn.
hoon  Aalad ku rakiban gaadiidka (baabuurta, tareenka, iwm) oo la dhawaajiyo markii wax loo digayo.
hoonbaro  ld hobbob-boro.
hoor  Nooc geela ka mid ah, caano badan, adkaysi yar, dhogor yar, bar gaaban.
hoor1  1. Dhibco biyo ah oo meel ka soo dhacaya. 2. Illin. hoor2  (kiim.) Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan. hoor3  1. Roob di'id. 2. Dhibco biyo ah meel ka soo dhicid. hoori  1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iwm cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid.
hoorid  eeg hoor². ld hoorrimaad.
hoorin  eeg hoori. ld hooris.
hooris  ld hoorin.
hooromoon  (c.nafl.) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.
hoorri  1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
hoorrimaad  1. Inta uu da'ayo roob curtay. 2. Tifqidda muddo hoore tifqayo. 3. ld hoorid.
hoorsad  ld hoorsasho.
hoorsasho  eeg hoorso. ld hoorsad, hoorsi.
hoorsi  ld hoorsasho.
hoorso  Weel, gacan iwm in wax lagu shubo u dhigasho.
hoos1  Shey if ku qabtay oo ilees-ma-gudbiye ah harka ka soo baxa. hoos2  Meel ay wax kale ka sarreeyaan. hoos3  Wax har u yeelid. hoos-carreed  (jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan-yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.
hoos-u-dhac  (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
hoosaas  1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.
page : 74 of 93
<< < 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 > >>