sagandaaq Ugaarta keeda lab oo inta tamar yareeyo raxanta ka taga ee gooni-joog noqda.
sagaro Sigaar buuriga iyo xaashidu kala samaysanyihiin oo qofka cabbayaa duubto.
sagax S. ah: wax fidsan oo aan gun hoos u qodan lahayn.
sagli Cir aroor hore sagal yeelasho.
saglin eeg sagli.
sagooti1 ld saagootiyid. sagooti2 ld saagoti². sagootin ld sagootiyid.
sagootiyid ld saagootiyid.
sagsaag1 1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha. sagsaag2 1. Hawl iwm ka maqnaansho. 2. Hawl si xun u qabasho. 3. Harqaan si isdhaafdhaafsan dhar ugu tolid. sagsaagad Naag hawl way ka maqantahay.
sagsaagan Maro wax sagsaag lagu tolay ahaansho.
sagsaagasho eeg sagsaago.
sagsaagid eeg sagsaag².
sagsaagnaan eeg sagsaagan. ld sagsaagnaansho.
sagsaagnaansho ld sagsaagnaan.
sagsaagnimo Sagsaag ahaansho.
sagsaago Dhar sagsaag ku tolasho.
sagxad 1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. ld sadax.
sah Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.
sahal1 Wax aan dhib lahayn ama fudud. sahal2 Wax fududayn. sahami Sahan aadid. ld sahmi².
sahamin eeg sahami. ld sahamis, sahmin, sahmis.
sahamis ld sahamin.
sahamiye Qof meel loo diro si uu u soo arko oo uga war keeno.
sahan 1. Aadidda meel la aado si looga war keeno. 2. S. ah: qof meel loo diro si uu uga war keeno.
sahansan Wax la sahmiyey ahaansho.
sahansanaan eeg sahansan. ld sahan-sanaansho.
page : 17 of 118
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>