sahwisii Qof wax illowsiin.
sahwisiin eeg sahwisii.
sahwiyid eeg sahwi². ld sahwin.
sahyuuni Qof aaminsan sahyuuniyadda.
sahyuuniyad Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda'ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.
sajaayad Salli yar oo lagu tukado. ld sijaayad.
sajarasho eeg sajaro.
sajaro Qof aan dembi lahayn galaafasho.
sakaar Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
sakaarjab Legriix.
sakad Daaro badan oo is haysta oo aan dariiq u dhexeyn. ld seked.
sakal1 Meel ciriiri ah. ld shakal¹. sakal2 Meel ciriiri ah wax gelin. ld shakal². sakalid eeg sakal². ld shakalid.
sakar 1. Dhulbeereedka barna la abuurto barna la dego. 2. Oodda reerka iyo beerta u dhexaysa.
sakaraad1 1. Xanuun aad u daran. 2. S. ah: nafley xaaladdeedu aad u liidato oo geeri halis u ah. sakaraad2 Nafley jirran, wax naftu dhibayso noqosho. sakaraadid eeg sakaraad².
sakareed Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo. ld sigaar.
sakati1 Cabsi yar shaki. sakati2 Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid. sakatin ld sakatiyid.
sakatisan Wax naxsan ahaansho (qof).
sakatisanaan eeg sakatisan. ld saka-tisanaansho.
sakatisanaansho ld sakatisanaan.
sakatiyid eeg sakati². ld sakatin.
sakee Hanti seko u bixin.
sakeyn eeg sakee.
sakeysad ld sakeysasho.
sakeysasho eeg sakeyso. ld sakeysad, sakeysi, sekeysad, sekeysasho, sekeysi.
page : 19 of 118
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>